Tuhunno Ku Xeeran Gubashada Hoyga Marwadii Marxuum Cigaal Ee Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa sheegtay in Cid aan weli la Aqoonsan ay dab qabadsiiyeen qayb ka mid ah Gurigeeda Magaalada Hargeysa.

Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo Maanta Saxaafadda uga warrantay falkan Naxdinta leh ee lagula kacay, kaasi oo dhacay Xalay Saqdii dhexe ayaa sheegtay in Falkani yahay Isku day uu sameeyay Qof dilaa ahi, nasiib wanaagsan’se aanay wax dhibaato Nafeed ahi ka dhalanin, marka laga reebo Khasaaraha soo gaadhay Guriga iyo Hantida Guriga taallay ee gubatay.

Marwo Kaltuun oo Arrimahaa ka hadlaysaa waxay tidhi “Saacaddu markay ahayd 1-dii habeennimo ayuu qayliyey Inan halkaa hurday oo uu yidhi kaca ‘Gurigii baa gubtaye’, sidaas ayaanu kaga war helnay Guriga gubtay.”

Kaltuun oo la waydiiyey khasaaraha uu geystay Dabkaasi ayaa sheegtay “Maxaa wax gaadheen lama yidhaahdo, waayo? waa isku day dillaa waxani (Falkani), hadduu ku guulaystay iyo haddaanu ku guulaysanba..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku dartay “Ilaahay baa naga bakhtiyey (Dabka), innagama oo shaqadooda haystay oo feejignaa ayaa ku guulaystay oo bakhtiiyey.”

Marwo Kaltuun waxay sheegtay in Dabku aanu khasaare nafeed sababin “Ilaahay baa Mahad leh wax khasaare nafeed ah may geysanin, laakiin khasaare Maaliyadeed wuu yimid.” ayay tidhi, waxayna intaa sii raacisay in Wasiirka Arrimaha guduhu u ballan-qaaday in ilaaladeedii oo hore looga qaaday loo soo celinayo “Wasiirka Arrimaha gudaha oo aan Maalin dhawayd u tagay wuxuu yidhi waa laguu keenayaa ilaaladaadii.”

Kaltuun waxay sheegtay in kiiskan baadhitaan lagu wado “Waxan la sameeyayna baadhitaan ayaa lagu wadaa, inay Cid qayrul masuul ah ku kooban tahay iyo inay Talo tahay..”ayay tidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka