Wararkii U Dambeeyay Dhul-gariir Maanta Ka Dhacay Australia

Australia (HCTV) – Dhul Gariir culus ayaa ku dhuftay Xeebta Waqooyi ee dalka Australia Isniinta Maanta, taasina waxay keentay in Dadka laga daad-gureeyo Magaalada Darwin.

Dhul-gariirkan oo Cabbirkiisa lagu qiyaasay 7.2 magnitude, ayaa Dadka deggan Magaalada Darwin ee uu dhul-gariirku ku dhuftay waxay sheegeen inuu socday muddo ka badan 2 Daqiiqo.

“Illaa hadda Gurigayga wuu ruxmayaa, Gidaarka dambana wuu dil-dillaacay..” ayuu Qof Baraha Bulshada ku soo qoray.

Qof kale ayaa isaguna sheegay “Dibedda ayaan uga cararray Guriga, runtii dhammaantay waan ruxmayey..” sidaa Qof kale ayaa Twitter-ka ku soo qoray.

Illaa hadda Cid wax ku noqotay lama soo werin, marka laga reebo dhismayaal iyo Dugsiyo Waxbarasho oo dhibaato gaadhay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka