Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ee Puntland Oo Geeriyooday

Istanbul (HCTV) – Allaah ha u naxariistee waxa Dalka Turkiga ku Geeriyooday Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Maamul-gobolleedka Puntland Yuusuf Xaaji Nuur.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Ehelada iyo Shacabka Puntland ee uu ka baxay Marxuumku.

Qoraalka uu Madaxweynaha Puntland ugu Tacsiyadeeyay ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Puntland, bahda Garsoor iyo masuuliyiinta Maxkamadda Sare geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur, si gaar ah waxa uu tiiraanyada ula wadaagayaa eheladii, asxaabtii qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabrigana u sakhiro, kuna Abaal mariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle ka siiyo eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka