Hogaamiyaha Af-gambigii Bahardar, oo Baxsaday.

    

Addis Ababa (HCTV)Ninka looga shakisan yahay inuu hogaaminayay kooxda maleegtay af-gambigii dhicisoobay ee ka dhacay deegaanka amxaarada ayaa baxsad ku maqan.
ilaa hadda lama oga meel uu ku sugan yahay, sidaasi waxaa warbaahinta BBC u sheegay ku xigeenka madaxa nabadgalyada ee deegaanka amxaarada Gedebe Hailu.

Ciidamo aad u hubaysan oo dawladda daacad u ah ayaa loo daad gureeyay magaalooyinka bahirdar iyo Addis ababa.

WAA KUMA HOGAAMIYAHA AF-GAMBIGA EE  BAXSADAY ?

Brig-Gen Asaminew Tsige,Waa hogaankii nabadgalyada ee deegaanka Amxaarada, Ra’iisal wasaare abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay inuu hogaaminayay af-gambiga fashilmayu ee Bahirdar ee lagu dilay madaxwaynihii deegaanka amxaarada.

Asaminew Tsige, ayaa ka mid ahaa saraakiil uu sanadkii hore xabsiga kasii daayay Ra’iisal wasaare abiy Ahmed oo la xidhay xilligii Meles zenawi.

Calanka ayaa hoos loo dhigay guud ahaan ethiopia, si loo muujiyo maalin baroor dhiiq ah oo la xidhiidha afar masuul oo lagu dilay afgambiga fashilmay oo laba ka mid ahi ay ahaayeen taliyihii ciidanka Militeriga dalka ethiopia Seara Mekanon.

Dr. Abiy, ayaa ugu baaqay dadwaynaha Ethiopia inay ka hortagaan xoogagga fadqalalada iyo qaybinta la damacsan dalkaasi, hadalkaasi oo uu warbaahinta ka sheegay.