Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo Waraaq Ka Helay Trump

Pyongyang (HCTV) – Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka helay Warqad uu si shaqsi ah ugu soo diray, sida ay ku warrantay Warbaahinta Dawladda Kuuriyada Waqooyiga.

Warqaddan ayaa Xogta ay Xambaarsan tahay waxa qayb ka ah Wada-hadallada aan midho-dhalin ee Trump iyo Kim Jong Un ka yeesheen Nukliyeerka Waqooyiga Kuuriya, sida ay sheegtay Kuuriya.

Maraykanku wuu ku adag yahay doonistiisa ah in Waqooyiga Kuuriya ay burburiso Hubkeeda Nukliyeerka, ka hor intaan laga qaadin Cunaqabaynta Caalamiga ah, arrintaana Kuuriya si tallaabo-tallaabo ah ayay ugu sii durkaysaa, laakiin waxay doonaysaa waxay ku beddelanayso Burburinta Hubkeeda halista ah.

Labada Dhinac waxay hore iskugu eedeeyeen masuuliyadda Burburka kulamadii ay yeelan lahaayeen, laakiin labada Hoggaamiye waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay kulmaan.

Trump ayaa horraantii bishan sheegay inuu Waraaq Qurux badan ka helay Hoggaamiye Kim.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka