Sweden Iyo Switzerland Oo Gacan Ka Geysanaya Xoojinta Dhaqaalaha Somaliland

Nairobi, (HCTV) – Dalalka Sweden and Switzerland ayaa sheegay inay ka gacan ka haysanayaan sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen xoojinta dhaqaalaha iyo raadinta fursado dhaqaale si dalka Somaliland uu usii wado baadigoobka uu ugu jiro aqoonsi uu helo.

Kulano dhawr ah oo saraakiisha labadaasi dal ay la yeesheen wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Bashe Omar ayaa sheegay in Sweden iyo Switzerland ay Somaliland ka caawinayaan baadigoobka fursado dhaqaale oo dalku uu helo iyo xidhiidho dhexmara dalalkaasi iyo Somaliland.

Siida uu sheegay Safiirka dalka Switzerland u qaabilsan bariga Afrika Dr Ralf Heckner.

Ambassador Baashe Cawil ayaa kulankaasi ay ku wehelinayaan Agaasimaha duulimaadyada iyo maamulka Madaarada Cabdi Mohammed Rodol, waxaanu Baashe Cawil uu sheegay in masuuliyiintii ay la kulmeen ay ka doodeen sidii Somaliland iyo dawladda Switzerland ay u sii wadi lahaayeen xidhiidhka dhexmaray iyo meelaha ay aadka u danaynayaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.