Uganda Oo Ka Walaacsan Kiis Xadidaya Da’ada Madaxwaynaha Oo La Geeyay Maxkamadda Carusha

Kampala, (HCTV) – Dawladdu dalka Uganda ayaa sheegtay in Maxkamada Cadaalada ee Bariga Afrika ee fadhigeedu yahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania aanay lahayn awood ay ku dhagaysato arinta xadidaysa da’da Madaxweynaha, taas oo dhawaan laga soo gudbiyey codsi lagu raadinayo in dib loogu soo celiyo maxkamada sare oo iyadu go’aanka aqlabiyad ah ku diiday codsigaasi bishii April.

Waxaanay dawladdu sheegtay in tani ay tahay jawaabta ku saabsanayd codsiga dhinaca da’da lagu xadiyado ka hor maxkamada gobolka.

Dawladu Uganda waxay tilmaantay in arintaasi uu kor u qaaday mid ka mid ah dadka codsiga soo gudbiyey oo ah Mr Male Mabirizi Kiwanuka, kaas oo si haboon u tixgaliyey awooda maxkamada iyo in aanay jirin baahi loo qabo in arintaasi la sii wado.

“Maxkamada Sharafta leh ma laha awood ay rafcaan uga qaadato go’aankaasi ka dhanka ah awooda maxkamada iyo dalalka xubinta ka ah,” sidaasi waxa ku jawaabtay dawlada.

Dawladdu sidoo kale waxa ay diiday dhamaan arimaha sharci ee Mr Mabirizi uu badka soo dhigay s ee ku wajahnayd Maxkamada Cadaalada ee Bariga Afrika.

File-ka codsigan ayuu Mr Mabirizi uu gudbiyey bishii may oo dawlada dalka Uganda ay ku doonaysay inay wax ka badal ay ku samayso da’da xadidaysa Madaxweynaha, iyadoo ciidamo bileys ah dhigta gudaha iyo dibada Baarlamaanka oo dhamaan talaabooyinkaasi ay yihiin dastuur jabin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.