Jarmalka: Laba Diyaaradood Oo Kuwa Dagaalka Ah Oo Isku Dhacay

Berlin, (HCTV) – Mid ka mid ah duuliyihii laba diyaaradood oo isku dhacay ayaa ku dhintay dalka Jarmalka, sida ay ku waramayaan warbaahinta gudaha dalkaasi, kuwaas oo sheegay in duuliyihii labaad uu isagu Baarashuudka uu ka goostay markii shilkaasi dhacay.

Labadan diyaaradood ee isku dhacay ayaa maalintii Isniintii ka duulay meel u dhaw harada Mueritz, waqooyiga kaga beegan magaalada Berlin.

Waxaanay ka qayb qaadanayeen hawlgal ay qayb ka ahaayeen diyaaradaha dagaalka ee dalalka Yurub.

Labada duuliye ayaa markii hore lagu waramay in ay maamuleen in ay isticmaalaan hab baarashuudka sida uu sheegay duuliye saddexaad kaas oo tilmaamay inuu arkayey laba Baarashood oo laga goostay labada diyaaradood ee isku dhacay hase yeeshee markii dambe ayaa waxa soo baxday in mid ka mid ah labadaasi duuliye uu dhintay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.