Dalxiiska Obama & Xaaskiisa: Waxay Degeen Guri Toddobaadkii $ 60.000 Dollar Ah

Italy (HCTV) – Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama oo ay weheliso Xaaskiisa Micheal Obama ayaa sii wata ku raaxaysiga Dalxiiskooda Xilliga Summer-ka.

Barack Obama iyo Xaaskiisa Micheal Obama oo Fasaxooda Xilliga Summer-ka booqasho ku tagay Dalka Talyaaniga si ay u soo arkaan George Clooney oo ah Actor iyo Filim sameeye Caan ah, ayaa la arkay iyagoo ku dalxiisaya harada Como, xilli ay aad uga dhow yihiin Ciidammada Booliska ee amaankooda sugaya.

Micheal Obama iyo Amal Clooney, sidoo kale hablaha ilma Obama ee Sasha oo 18 Jir ah iyo Malia oo 20 jir ayaa la arkay iyagoo fadhiya gudaha doon yar.

Labada Qoys ayaa ku sii jeeday Casho ay samaysay Hay’adda Urur ka shaqeeya Cadaaladda oo uu aasaasay George Clooney.

George oo 58 Jir ah iyo Barack oo 57 Jir ah ayaa Xafladda Cashada ah ugu lebistay si caadi ah, waxay xidhnaayeen Shaadhadh, manay xidhnayn Tay-yo.

Ururkan waxa aasaasay Clooney, Xaaskiisa Amal ayaanu ugu adeegsadaa Looyar Caalami ah oo kale, si uu ugu kormeero Dawladaha isku daya inay awooddooda Dawladnimo u adeegsadaan Cadowgooda siyaasadda.

Clooney oo ku guulaystay Abaal-marinta Oscar-ka ayaa ka mid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee 8 Sanadood ee Obama Xafiiska joogay.

Obama ayaa Toddobaadkan socdaal isaga kala gooshayey Yurub, safarkaasi oo uu ka soo bilaabay Faransiiska, isagoo ka joogay Bono, waxaana la soo weriyey inuu ku jiray Guri Villa ah oo Toddobaadkii 60.000 dollar ah, illaa inta aanu diyaarad khaas ah ugu soo duulin Talyaaniga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka