Ergayga Cusub Ee Q.M Ee Soomaaliya Oo Muqdisho Gaadhay

Muqdisho (HCTV) – James Swan ayaa Maanta gaadhay Magaalada Muqdisho, si u guto Waajibaadkiisa ah Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa hawlaha Bani-aadamnimo ee Qaramada Midoobay ka waddo Soomaaliya.

Diblumaasigan oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa xilkan loo Magacaabay 30-ka bishii May. 2019, waxaana la door-biday khibradda uu u leeyahay Dalalka Saharaha ka hooseeya ee Qaaradda Afrika.

Markii ugu horraysey ee uu hawl ka qabtay Soomaaliya waxay ahayd 25 sanadood ka hor, isagoo sannadihii 1994 illaa 1996-kii ahaa Erayga Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Swan wuxuu Maraykanka safiir uga soo noqday Dalka Jabuuti intii u dhaxaysay 2008- 2011, mar kale wixii ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya noqday intii u dhaxaysay 2011 illaa 2013, waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, 2013 iyo 2016.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa Swan u Magacaabay Wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya, ka dib markii uu beddelay Wakiilkiisii hore oo ay isku dhaceen Dawladda Federaalka Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka