Madaxweynaha Somaliland Ka Hadlay Saraakiishii Lagu Laayey Afgambigii Itoobiya Oo Maanta Loo Baroor-diiqay

Itoobiya (HCTV) – Magaalooyinka Bahar-daar iyo Maqale ee Dalka Itoobiya ayaa Baroor-diiq loogu sameeyay Madaxweynihii Kililka Axmaarrada iyo Saraakiil uu ka mid yahay Taliyihii Ciidammada Millateriga Itoobiya oo lagu dilay Isku-day Afambi dhawaan ka dhacay Kililka Axmaarrada.

Madaxweynihii Kililka Axmaarrada ayaa baroor-diiq loogu sameeyay Magaalada Bahar-daar, waxaana Baroor-diiqdaa ka qayb-galay Ciidammada iyo Ardayda Dugsiyada sare iyo Jaamacadaha, halka Magaalada inteeda kale ay Bandoo saaran tahay.

Sidoo kale, waxa Magaalada Maqale ee Xarunta Gobolka Tigrey loogu baroor-diiqay Taliyihii Ciidammada Jeneraal Seare Mekonnen ayaa la sheegay inay toogteen llaaladiisu intuu uu socday isku-dayga Afgambiga iyo Abbaanduulihii Ciidammada Itoobiya oo isagun ku dhintay Afgambigaasi fashilmay.

Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa ka qayb-galay Baroor-diiqda loo sameeyay Saraakiisha La laayey.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Dawladda federaalka Itoobiya ka Tacsiyadeeyay Geerida Saraakiisha iyo Madaxweynaha Kililka Axmaarrada “Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxa uu  dawladda Itoobiya ka tacsiyadeeyey saraakiishii iyo siyaasiyiintii  la laayey, waxaana uu sheegay inay xukuumad ahaan dareenka xanuunka leh la wadaagayaan shacabka iyo xukuumadda Itoobiyaba.” Ayaa lagu yidhi, War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka