Ganacsade Kenyan Ah Oo Lagu Afduubay Tanzania

Darasalam, (HCTV) – Ganacsade u dhashay dalka Kenya ayaa dad aan haybtooda la garanayni ay ku afduubeen magaalada Darasalaam ee dalka Tanzania, sida uu xaqiijiyey taliyaha ciidamada bileyska dalka Tanzania, Dan Kazungu.

Ganacsadaha la Afduubka ayaa magaciisa lagu sheegay Raphael Ongangi, kaas oo laga afduubay maalintii isniintii isgayska ay ku kulmaan jidadka Msasani iyo Karume, waxaana la sheegay in ay afduubeen dablay saarnayd saddex gaadhi iyo hal dhugdhuglay ama mooto.

Haweenayda uu qabay ninkaasi ganacsadaha ah oo la yidhaahdo  Veronica ayaa dawlada iyo taliyaha ciidamada dalka Kenya ku wargalisay dhacdadaasi, waxaanu sidoo kale xaqiijiyey afduubkaasi inuu dhacay taliyaha ciidamada bileyska ee dalka Tanzania Dan Kazungu, kaas oo sheegay inay ku hawlan yihiin arinta falkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.