Dubai: Dirawalka U Dhashay Cumaan Oo Laga Dalbaday Inuu Bixiyo Dh3.4 million Oo Magdhaw Ah

Dubai, (HCTV) – Qoysaska 17 qof oo ku dhintay shil Bas oo ka dhacay magaalada Dubai ee iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa wali la anfariirsan shilkaasi iyo dadkii ay jeclaayeen ee ay ku waayeen.

Dacwad oogaha Dubai ayaa maalintii Arbacadii sheegay in dirawalkii baskaasi oo u dhashay dalka Oman loo gudbiyey Maxkamada, kaas oo Maxkamadu ay ka dalbatay inuu bixiyo Dh3.4 million oo ah magta dhiiga dadkii ku waxyeeloobay oo uu siiyo qoysaska dhibanaha ka ah.

Qoysaska dhaqaale ee ay dadkani ka baxeen ayaa durtaba ay soo food saartay xaalado dhaqaale, maadaama oo ay ku tiirsanaayeen dhaqaale ahaan.

Manisha Thakur – oo ninkeeda Vikram Thakur iyo seedigeed Roshni Moolchandani ay ku dhinteen shilkaasi ayaa sheegtay in ay xaalad quus ah ku sugan tahay, maadaama oo dhaqaale ahaan ay ku tiirsanayd ninkeeda.

Waxaanay tilmaantay in ay ku khasban tahay inay ka guurto guriga ay degen tahay sababtoo ah iyadoo aan awoodin inay bixiso lacagta kirada guriga in intaaka badan.

https://www.khaleejtimes.com/nation/dubai/dubai-public-prosecution-demands-omani-driver-to-pay-dh3-million-as-blood-money-

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA