Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xukuntay Maxamed Sidiiq Dhamme

Hargeysa, (HCTV) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ayaa 6 bilood oo Xabsi ah ku xukuntay gudoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani Maxamed Siddiiq Dhamme, oo xabsiga ku jiray in ka badan 50 maalmood.

Maxamed Sidiiq Dhame ayaa maanta Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex la horkeenay si ay u dhagaysato dacwadaha loo haysto, waxaanay Maxkamadu sheegtay inay ku heshay Mr Dhame dambi ku saabsan Af-legaaddo Madaxwayne.

Hase yeeshee, Xeer-ilaalinta Somaliland ayaa Racfaan ka qaadatay Xukunka maxkamaddu ku riday gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhame.

Masuuliyiinta xisbiga waddani ayaa sidoo kale dhankooda isku dayay in dammaanad lagu sii daayo guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee xisbigooda.

Maxamed Dhamme ayaa bartiisa uu ku leeyahay baraha bulshadda ee Facebook ka midka yahay ku qoray qoraalo keenay in xabsiga loo taxaabo oo xukuumadu ay si weyn u dhibsatay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.