Nigeria oo Baadhaysa Diyaarad u Gurmatay Nin Saxmad ku Go’doomay.

Benin, (HCTV) – Maamulka duulista hawada dalka Nigeria (NCAA) ayaa baadhaya xaaladda keentay in dhinaca hawada looga soo gurmado nin gaadhi ku marayey wado saxmad badani ka jirtay oo ku taala magaalada Benin City, ee caasimada gobolka Edo State ee Koonfur-galbeed ee dalkaasi Nigeria.

Hay’ada Maamulka Hawada ee dalka Nigeria waxa kale oo ay tilmaantay in dhacdadan oo soo jiidatay dad farabadan  oo adeegsada  baraha bulshada.

Waxaana muuqaal lagu duubay Telefoon laga arkayay diyaarada Helicopter-ka ah oo soo cago dhiganaysa meel u dhaw jid saxmada farabadani ka jirto ee magaalada Benin, ilaa iyo hadana lama xaqiijin cida uu ahaa ninka ay diyaarada qumaatiga u kacdaa ay meesha ka qaaday.

Hase yeeshee dadka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa nin maalqabeen ama Billionaire ah, waxaana mudooyinkii u dambeeyey iska caadi ahayd in habdhaqano cusub lagu arko dadka ladan ee dalka Nigeria.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka Beeraha ee dalka Nigeria uu sheegay in dadka ladan ee dalkiisu ay Sabaayad ama Pizza ka dalbadaan magaalada London ee Cariga Ingiriiska kadibna loogu keeno dalkooda Nigeria iyagoo jooga inta loogu soo qaado diyaarad.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

https://www.facebook.com/vanguardngr/videos/2446439868934648/