Imaaraadka Carabta Iyo Jordan Oo Dhoolatus Milatari Wada Sameeyey

Dubai, (HCTV) – Sheikh Maxamed bin Zayed, boqorka Imaarada Abu Dhabi ahna Taliye ku xigeenka Ciidamada Imaaraadka Carabta ayaa boqorka dalka Jordan kala qaybgalay dhoolatus milatari oo waddajir ay u qabteen maalintii Arbacadii.

Dhoolatuskan Milatari ayaa labada dal ay ku muujinayeen xidhiidhkooda taariikhiga ah iyo wadashaqayntooda fiican, sida uu sheegay Sheekh Maxamed bin Zayed oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal iyo sawiro muujinaya dhoolatuska ay sameeyeen, waxaanu yidhi “Ciidamadayadu waa diyaar, waxaanay awoodaan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xasiloonida gobolka,” ayuu yidhi Sheikh Mohammed bin Zayed.

Boqorka dalka Jordan ayaa isaguna hadal kaa la mid ah sheegay waxaanu sheegay in arintani ku lug leedahay wadashaqaynta iyo walaaltinimada labada dal.

“Saaxiibtinimada iyo walaaltinmada waa ta keentay in si wada jir ah aanu xidhiidh iyo wadashaqayn u leenahay waxaana mudo dheer oo tobanaan sanadood ah uu xidhiidh wadashaqayneed ka dhexeeyey labadayada dal. Imaaraadka iyo Jordan waxay isku barbar taagan yihiin midba midka kale, xaalad kasta oo jirta. Alle ha xafido midnimadayada iyo badbaadada dhulkayaga.” Ayuu yidhi boqorka dalka Jordan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.