Boeing Oo Bilawday Inay Banaan Dhigto Diyaaradihii Laga Iibsan Waayay Ee 737 Max

Seattle, (HCTV) – Boqolaal diyaaradood oo ah diyaarada Boeing 737 Max ayaa la istaajiyey aduunka oo dhan tan iyo markii ay burburtay labada diyaaradood oo shirkadaasi lahayd oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Bishii October 2018, diyaarad ay soo saartay shirkadaasi oo dalka Indonosia ku samaynaysay duulimaad Lion Air flight 610 ayaa ku burburay gobolka Java Sea 12 daqiiqo kadib markii ay hawada gashay, taas oo ay ku dhinteen dhamaan 189 rakaabka iyo shaqaalaha isugu jiray.

Sidoo kale shirkadda Ethiopian Airlines ayaa iyaduna dhibaato kala kulantay diyaarada shirkadda Boeing ay soo saartay ee 737 Max markii ay wax yar uun ay hawada ku jirtay ayay burburtay, waxaana ku dhintay dhamaan 157 qof ee ay siday.

Wixii labadaasi shil ka dambeeyey dhamaan aduunku waxa uu joojiyey adeegsiga diyaaradaasi iyadoo cabsi xoog leh laga qaaday isticmaalkeeda iyo isku halaynteeda.

Hadaba waxa soo baxday markii uu soo bandhigay telefishan dalka Maraykanku leeyahay (by Seattle news station KING-TV) muuqaalada barxadd ay dhooban yihiin diyaaradaha Boeing 737 Max, kadib markii aduunka laga iibsan waayey.

Waxaana mid ka mid ah muuqaalku uu muujinayaa in ka badan 40 diyaaradood oo la soo dhigay Barxad Parking ay gawaadhida dhigtaan shaqaalaha shirkaddaasi.

Tan iyo intii diyaaradaasi ay shaqadeedu joogsatay ayaa shirkadda Boeing waxa soo food saartay khasaare maaliyadeed oo baaxad leh, inkastoo ay wakhti xaadirkan sugayso in la ansixiyo barnaamijka software-ka oo ay dib u hagaajin ku samaysay si aanay dhibaatadan oo kale aanay u dhicin mar kale.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.