Qaraxyo Ka Dhacay Xarun Boolis Oo Ku Dhaw Safaarada Faransiiska Ee Tunisia

Tunis, (HCTV) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka xarun bileys oo ku dhaw Safaarada Faransiisku uu ku leeyahay dalka Tunisia, waxaanu qaraxa labaad ka dhacay meel aan sigaa uga fogayn oo gawaadhida la dhigo oo ay leedahay hay’adda ka hortaga argagixisada.

Weerarka qaraxan ismiidaamiinta ah ayaa la sheegay in bartilmaameedkiisu uu ahaa gaadhi bileys oo yaalay goobta, kaas oo qaraxa hore uu dhacay abaaro 11am duhurnimo, halka qaraxa labaad oo waxyar ka dambeeyeyna uu ka dhacay goob gaadiidka la dhigo oo ku taala hay’adda la dagaalanka argagixisada ee dalka Tunisia.

Waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay lagu arkayey qaybo jidh dad ah oo wadada daadsan, waxaanu Wasiirka Arimaha gudaha dalkaasi uu sheegay in dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin laba ka tirsan ciidamada Bileyska iyo saddex qof oo kale oo shacab ah.

Hase yeeshee warbaahinta ayaa ku waramaysa in dhaawacu uu intaa ka badan yahay, lamana sheegin ilaa iyo hada in wax dhimasho ahi ay jiraan. Sidoo kale Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay qaraxaasi oo ka dambaysay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.