Air India Oo Lagu Khasbay Inay Degdeg U Cago-dhigato London

London, (HCTV) – Shirkadda Air India ayaa sheegtay in mid ka mid ah diyaaradaheedu ay si degdeg ah u cago-dhigatay Madaarka ku yaala magaalada London oo la yidhaa London Stansted Airport maanta oo khamiis ah kadib markii ay cabsi iyo khatar ay la soo gudboonaatay diyaaradaasi.

Waxaanay shirkaddu intaasi ku dartay in duulimaadka 191 ay kaga soo kicitintay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya una sii jeeday dalka Maraykanka, waxaanu si badbaado ah aanu u caga-dhiganay dalka Boqortooyada Ingiriiska arintaasi darteed.

Hase yeeshee diyaarad kuwa dagaalka ah ee jets ayaa iyaduna khatar galisay. Waxaanay dad dhawr ah oo degan Derby oo ah magaalo 128 miles waqooyi kaga beegan London ay ku warameen inay maqalyeen dhawaq aad u dheer ilaa tobankii subaxnimo, taas oo lala xidhiidhiyey diyaarada dagaalka ee jets-ka oo iyaduna khatar galisay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.