Wasiir Faratoon Oo La Kulmay Xoghayaha Joogtada Ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya

Wasiir Faratoon Oo La Kulmay Xoghayaha Joogtada Ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya

Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Cambaareeyey Weerarada Ka Dhanka Ah Dadka Ajaanibka Ah
Shirka Golaha Wasiirrada Somalia Oo Lagu Ansixiyay Xeerar Dhawr Ah
Dawlda Hoose Ee Hargaysa Oo Digniin U Dirtay Shacabka
Maraykanka Oo IRAN Ku Eedeeyay Weerarradii Lagu Gubay Warshadaha Shidaalka Ee Sucuudiga
Puntland Oo Fursad U Aragta In Shaqaalihii ICAO Ee Somaliland Eriday Loo Wareejiyo Madaarka Garoowe

Nairobi (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa Maanta Magaalada Nairobi kula kulmay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya, Ambassador Peter Macharia.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya ayaa ka wada-hadlay arrimo la xidhiidha Danaha labada Dal, sida lagu sheegay Qoraal uu Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya ku baahiyey Twitter-ka.

Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya oo Adeegsanaya Kalmadda ah ‘Labada Dal’ ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibedda ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii loo soo xoojin lahaa Xidiidhka wada-shaqayneed.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland waxa kulankaa ku wehelinyey Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: