Qaraxyo Is-xigay Oo ka dhacay Tunisia Iyo Khasaare Ay Sababeen

Tunis (HCTV) – Dhowr Qarax ayaa ka dhacay Caasimadda Dalka Tunisia Khamiista Maanta.

Qaraxyadan oo ay barbar socotay Rasaas toos ah oo ay ridayeen Rag hubaysan ayaa Wararka Hor-dhaca ahi sheegayaan inuu ku dhintay Askari Boolis ah, 8 Qof oo Rayid ahina ku dhaawacmeen.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Barxadda Saldhig ku yaalla meel aad u mashquul badan oo Dadku ka tukaamaysto oo badhtamaha Caasimadda Tuunis ah, halkaa waxa ku dhintay Hal Askari oo Boolis ah, waxaana ku dhaawacmay 4 Qof oo rayid ah.

Daqiiqado ka dib, Qarax labaad ayaa ka dhacay meel u dhow Saldhigga Booliiska ee degmada Al Qarjani, waxaana ku dhaawacmay Afar Qof oo kale, sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha dalkaasi.

Qaraxyadan ayaa imanaya xilli uu wanaagsan yahay heerka dalxiisayaasha Dalkaasi yimaadda.

Dawladaha Caalamka qaar ayaa cambaareeyay Qaraxyada ka dhacay Caasimadda Tunisia, waxaana Dawladaha Cambaareeyay ka mid ah Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamka ee UAE oo Qaraxyadan Cambaaraysey ayaa sheegtay in Ficilladani yihiin kuwii Argagixisada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka