Magaca Wiil Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay London

London (HCTV) –  Magaalada London ayaa Xalay lagu dilay Wiil Soomaali ah, kaasi oo Magaciisa lagu sheegay Yuusuf Maxamed.

Wiilkan oo dhallinyaro ah ayaa Meydkiisa laga helay Tukaan uu galay, ka dib markii ay Middi lagu dhaawacay isagoo ku sugan Degmada Hammersmith oo Galbeedka London ah, halkaas oo uu ku naf-baxay.

Illaa hadda Cidna looma qabanin Dilka Wiilkan oo la sheegay inay geysteen Laba Nin, kuwaasi oo markii ay falkan geysteen baxsaday, laakiin Ciidammada Booliska oo halkaa gaadhay ayaa sheegay inay baadhitaan wadaan.

Cabdillaahi oo ah Aabbaha dhalay Wiilka la dilay ayaa sheegay in Wiilkiisu uu dhiganayey College isla-markaana doonayey inuu noqdo Injineer, Nasiib-darro’se Geeridiisu ku tahay Qarracan.

Aabbuhu wuxuu Booliska ka dalbaday inay soo qabtaan Ciddii ka dambaysa Dilka Wiilkiisa oo ahaa 18 Sano jir.

Maaha markii koowaad ee Wiil Soomaali ah oo dhallinyaro ah lagu dilo Magaalada London, laakiin waxa hore halkaa loogu dilay Dhallinyaro badan oo kale.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka