Madaxweynaha Tunisia Oo Nolol Iyo Geeri U Dhexeeya

Tunisia (HCTV) – Madaxweynaha Dalka Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa aad u Xanuunsanaya isla-markaana Xaalad culus oo uu ku jiro awgeed waxa Maanta loo wareejiyey Cisbitaal Millateri, sida uu sheegay Xafiiskiisu.

Masuul ka mid ah La Taliyeyaasha Madaxweyne Beji Caid Essebsi ayaa sheegay in Madaxweynuhu aanu Geeriyoon ee uu weli nool yahay, ka dib markii ay soo baxeen Warar sheegaya inuu Geeriyooday.

Raysal-wasaaraha Tunisia, Youssef Chahed ayaa Dadweynaha ugu baaqay inay joojiyaan faafinta Wararka beenta ah ee sheegaya in Madaxweynuhu Geeriyooday.

Raysal-wasaaraha ayaa hadalkan sheegay xilli uu Madaxweynaha ku booqanayey Cisbitaalka uu ku jiro.

Waxa kale oo la sheegay in Raysal-wasaaruhu uu booqday Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, uguna baaqay inay isugu yimaaddaan kulan deg-deg ah.

Mr Essebsi waxa Cisbitaalka la dhigay Toddobaadkii hore, iyadoo ujeeddada loo dhigayna ay Madaxtooyadu ku macnaysay in laga daawanayo xanuun aan cuslayn.

Madaxweynaha Xanuunsanaya ee Tunisia oo da’diisu tahay 92 jir, ayaan ka qayb-geli doonin Doorashada Dalkiisa ka dhacay November, sida uu isagu hore u sheegay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka