Madaxweyne Trump Oo Xadka Milatariga Ka Caagan Kula Kulmaya Kim Jong-Un

Seoul, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta booqasho uu ku tago magaalada Seoul ee caasimada dalka Koonfurta Kuuriya, kaas oo sidoo kalena kulan kula yeelan doona Xadka malatariga ka caagan ee u dhexeeya labada Kuuriya.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isagu sheegay inuu la kulmayo hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya si uu u soo salaamo isla markaana loo dhammaystiro heshiiska dhinaca hubka nuclearka ee Kuuriyada Waqooyi, sida uu ka sheegay Madaxweynaha Trump mar uu ka hadlayay shir madaxeedka G20 ee ka dhacaya magaalada Osaka.

Madaxweynaha dalka Maraykanka iyo Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya ayaa hore Kulamo u yeeshay, hase yeeshee kulamadaasi ayaa loo badinayaa in aanay yeelan midho dhal wax ku ool ah ilaa iyo hadda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.