Shell Iyo Exxon Oo Dib Somalia Uga Bilaabayaan Hawlahoodii Shidaal Baadhista

London, (HCTV) – Shirkadaha Shidaalka ee Shell iyo Exxon Mobil ayaa isha ku haya inay dib ugu noqdaan goobihii ay shidaalka ka baadhayeen ee ku yaala Somalia, sida ay sheegtay Wasaarada Shidaalka ee Somalia.

Labadan shirkadood ee Shell iyo Exxon Mobil ayaa shan meelood shidaal ka sahamiyey xiligii ay sii dhacaysay dawladii Maxamed Siyaad Barre ee horaantii 1990s.

Dalkan Somalia ayaa mudo dheer cagaha kula jiray xaalad degenaansho la’aan ah tan iyo intii ay burburtay dawladii Siyaad Bare, waxaana mudooyinkii u dambeeyey dagaal dhiig badan ku daatay ka waday kooxda mitidka ah ee Al-shabaab.

Inkasta oo dalkani aanu wakhti xaadirkan soo saarin shidaal balse sahamo farabadan oo la sameeyey ayaa muujinaya in shidaal uu ku jiro taas oo muhiimad farabadan u leh.

“Heshiis ay aanu ku kala saxeexanay Amsterdam bishii June 21-keedii 2019-ka ayaa waxa seeska loo dhigay arimo ku taxaluqa shidaal baadhista,” sida ay sheegtay Wasaarada Badroolka ee dawlada Federalka ee Somalia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.