Qoys Ingiriis Ah Oo Dhammaan Ilaa Caruurtoodii Ay Dagaal Ku Dhinteen

London, (HCTV) – 12 qof oo qays kaliya ka soo jeeday ayaa dhamaantood ay ku dhinteen dagaalka dalka Suuriya kadib markii ay ku beereen kooxda la baxday dawlada Islaamka ee ISIS, sida mid ka mid ah qaraabada qoyskani uu sheegay.

Qoyska Mannan ayaa iskaga soo tagay Luton, Bedfordshire ee dalka Ingiriiska oo ay degenaayeen kuwaas oo dalka Suuriya ee dagaalku ka socdo ay uga talaabeen dhinaca dalka Turkey-ga waxyar uun kadib markii ay ka soo tageen dalka UK 25-kii May.

Aabaha qoyskan ayaa magaciisa la yidhaahdaa Muhammed oo 75 jir ah, halka xaaskiisana ay tahay Minera, taas oo ku geeriyootay magaalada Raqqa ee dalka Suuriya, sida uu sheegay Shalim oo qaraabada qoyskaasi ka mid ah kaas oo MailOnline u sheegay in dhamaanba qoyskaasi ay dhinteen.

Mr Mannan ayay inamadiisu ay kala ahaayeen Mohammed Zayd Hussain oo 25 jir ah, Mohammed Toufique Hussain 19 jir ah, iyo Mohammed Abil Kashem Saker oo 31 jir ah, kuwaas oo dhamaantoodba lagu dilay kooxda ISIS oo ay u dagaalameen.

Waxaana la rumaysan yahay in labada ugu yaryar ay ku dhinteen dagaalkii ka dhacay magaalada Raqqa sanadkii 2017-kii halka Saker uu ku dhintay isla wakhtigaasi dagaalkii ka dhacay Bagouz, oo ahayd halkii ugu dambaysay ee kooxda ISIS ay ku xooganayd horaantii sanadkan.

Todobada xubnood ee kale ee qoyskan oo ay ka mid ahaayeen saddex caruur ah oo da’doodu u dhaxaysay hal sano ilaa 11 jir, ayaa lagu dilay weerar dhinaca cirka ah xili ay isu dayayeen inay ka cararaan dagaalkii ka socday magaalada Baghouz.

Mannan inankiisa oo la yidhaa Mohammed Saleh Hussain ayay da’diisu ahayd 26, halka xaaskiisuna ay ahayd Roshanara Begum oo 24 jir ah, oo ay wehelinayeen saddexdooda caruurta ah oo da’doodu u dhaxaysay hal sano ilaa 11 sanadood kuwaas oo la sheegay in dhamaantood ay ku dhinteen weerarkaasi dhinaca cirka ah. Mr Mannan ayaa dhalay  Rajia Khanom oo 21 jir ah, iyo Sheida Khanam oo 27 jir ah oo uu sodog u ahaa.

Mannan oo ay seediyo ahaayeen Abdul Khalid ayaa MailOnline u sheegay: ‘Waxa kaliya ee aan kuu sheegayaa waxa weeyi in ay isku dayayeen in dhamaantood ay ka cararaan Baghouz iyo inay ku wajahnaayeen Kaam qaxoonti oo halkaasi ku yaalay, sida kuwa kale oo farabadan ay isku dayayeen inay ka cararaan bambooyinkii soday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.