Duuliye Diyaaraddiisii Shimbiro Jiidheen Oo Bam-gareeyay Meel Shacab Joogay

India (HCTV) – Diyaarad ka mid ah Diyaaradaha dagaalka ee Hindiya ayaa ay isku dhaceen Raxan Shimbiro ah, il-bidhiqsiyo uun ka dib markii ay ka kacday Saldhig Ciidammada Cirka Hindiya ku leeyihiin Xuduudka Pakistan.

Waaxda Ciidammada Cirka ee Hindiya (IAF) ayaa muuqaal ay Jimcihii ku baahiyeen Twitter-ka ayaa ku tusaya Raxan Shimbiro ah oo ku dhacaya Diyaaraddu markay ka kacday Saldhigga Ambala, laakiin Pilot-ka oo feejignaa ayaa ka hor-tagay Masiibo dhici lahayd iyo Dhimasho.

Diyaaradda ayaa qayb ka ahayd Tababbar ka socday Saldhigga Ambala, sida ay sheegtay Waaxda (IAF).

“Ku dhicitaanka kooxda shimbiraha ee diyaaradda waxay Natiijadeedu noqotay inuu fadhiisto mid ka mid ah Mishiinnada Diyaaraddu..” ayaa lagu yidhi qoraal ay soo saareen (IAF) “Khatartii oo dhan isagaa Xaddiday Pilot-ka..” ayay (IAF) qoraalkeeda raacisay.

Muuqaalka Ciidammada Cirka ee Hindiya baahiyeen waxa kale oo ka muuqanaya Diyaaradda oo dhulka ama dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ku daadinaysa Gantaallaha Shidaalka ka samaysan, waxayna taa Ciidammada Cirku ku macnaayeen Bedbaado “Xirfad iyo Fikir deg-deg ah, Pilot-ku wuxuu bedbaadiyey Shacab baan oo dhanka kale ka taagnaa Xayn-daabka diyaaradaha..”

Ciidammada Cirka Hindiya waxay sheegeen in Diyaaraddu si nabadgalyo ku soo Cago-dhigatay Saldhiggii ay ka kacday.

Ciidammada Cirka Hindiya ayaa 10 Diyaaradood waayay inta lagu jiro sannadkan 2019, Wasiirka Difaaca Hindiya Rajnath Singh ayaa isaguna Arbacadii u sheegay Baarlamaanka in Ciidammada Cirku ay 33 diyaaradood lumiyeen illaa sannadkii 2015-kii, kuwaasi oo ku jiraan 10-ka la waayay sannadkan gudihiisa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka