Maxamed Qanyare Afrax Oo Maanta Geeriyooday

Muqdisho (HCTV) – Waxa Maanta Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya.

Siyaasiga oo Dawladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka soo noqday Wasiirka Amniga, sidoo kalena noqday Xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u Geeriyooday Xanuun uu Bilihii u dambeeyay la tacaalayey.

Maxamed Qanyare Afrax ayaa Saaka ku Geeriyooday Cisbitaalka Erdogan ee Magaalada Muqdisho.

Marxuum Qanyare ayaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa Isbahaysigii Argagixiso la dirirka ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dagaal markii dambe lagaga adkaaday la galay Maxaakiimta.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka