Yurub Oo La Hirdamaysa Dab Xoogle Iyo Mawjado Kulayl Ah

Paris/London, (HCTV) – Boqolaal Dab-damis iyo Tobanaan diyaaradood ayaa la hirdamaya sidii ay u bakhtiin lahaayeen dab xoog leh oo ka holcaya koonfurta dalka Faransiiska Iyo Spain, iyadoo ay jirto kulaylkii ugu darnaa oo saamayn ku yeeshay Ingiriiska, Talyaaniga iyo Catalonia.

Dabkan ka kacay dhulka dalka faransiiska ayaa gubay dhul ka badan 600 hectares ama 1,500 acres ama qoodi oo dhul ah iyo sidoo kale dhawr guri iyo gawaadhi.

Waxaana si ku meelgaadh ah loo xidhay xarumaha laga maamulo tareenada, iyadoo ilaa iyo hada ay waxyeelo soo gaadhay dhawr dab-damiye oo xaaladoodu ay khatar tahay.

Sida ay ku waramayaan warbaahinta gudaha ee dalkaasi, nin ayaa ilaa iyo hadda la xidhay kaas oo looga shakisan yahay inuu yahay ka isagu dabkaasi bilaabay.

Dhinaca waqooyi, caasimada Faransiiska ee Paris ayaa ku jirta maalmaheedii ugu kululaa, waxaana heerkulku uu gaadhay 37C (98.6F).

Dawlada dalka Faransiiskuna waxaabay gabi ahaanba xayiraad saartay in la kaxaysto gaadiidka qaboobay si magaalada looga yareeyo mawjadaha kulaylka iyo hawada wasakhawday.

Kulaylkan ayaa sidoo kale sabab looga dhigaya laba qof oo ku dhintay Spain, halka Afar ay ku dhinteen Faransiiska iyo Talyaaniga oo saddex qof ay ku dhinteen.

Dhinca kale caasimada Catalan ee Girona, ayaa gaadhay heerkii ugu sareeyey waligeed waxaanu kulaylku gaadhay 43.9C (111F).

Waxaanu sidoo kale dalkaasi uu dagaal adag kula jiraa dab ka kacay duurka, kuwaas oo dab-damisku ay la tacaalayaan in ka badan 90% dhulka gobolka waqooyi-bari ee Tarragona.

Cimilada kulul ayaa sidoo kale gaadhay boqortooyada Ingiriiska taas oo maalintii sabtidii ay ahayd maalintii ugu kululayd, wararkuna waxa ay tilmaamayaan in Galbeedka London uu kulaylku gaadhay

33C (91.4F, halka meelaha kale ee dalkaasina galinkii dambe ee sabtida kulaylku uu jaray 35C (95F).

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.