Trump Oo U Gudbay Xuduudka Kuuriyada Waqooyi

North Korean (HCTV) – Madaxweyneyaasha Dalalka Maraykanka Donald Trump iyo Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa Maanta ku kulmay Xuduudka Hubka ka caaggan ee u dhexeeya labada Kuuriya (Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi).

Madaxweynaha Maraykanka oo Japan kaga qayb-galay Shirkii Waddamada Qaniga ah ee G20 loo yaqaano, ayaa isagoo ku sugan Kuuriyada Koonfureed wuxuu Twitter-kiisa ku baahiyey inay xuduudka Hubka ka caaggan ee labada Kuuriya u dhexeeya ku kulmayaan Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo halkaa ku marti-qaaday.

Warbaahinta Dunida ayaa baahisay labada Hoggaamiye oo is Gacan-qaadaya Axadda Maanta.

Laakiin, Al-jazeera ayaa sheegaysa in Madaxweyne Trump uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Maraykan ah ee isagoo xilka haya Ciidda Kuuriyada Waqooyi Cagahiisa saara.

“Inaan Ka gudbo Laynkaasi waa ii Sharaf weyn..” ayuu yidhi, Madaxweyne Trump oo ka hadlayey Shir jaraa’id oo ay Wada-jir u qabteen isaga iyo Kim, waxaanu intaa ku daray “Waa Maalin ku weyn Caalamka..”

Madaxweynaha Maraykanku wuxuu sheegay inay horumar ka sameeyeen dhinaca xidhiidhka isaga iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi “Waxaan u malaynayaa in Xidhiidhka aynu horumarinay uu Macno u samaynayo Dad badan..” ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynaha Maraykanku.

Kulankani waa kii saddexaad ee ay yeeshaan labada Hoggaamiye, laakiin wax natiijo ah oo muuqataa kama soo bixi kulamadaa hore.

Kulankan waxa Trump ku wehelinayey Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka