Soomaaliya: 8 Mitidiin Ah Oo Lagu Dilay Jamaame

Soomaaliya (HCTV) – Ciidammada Dawladda Soomaaliya ayaa Habeenkii Khamiista ee Toddobaadkii hore dilay 8 ka mid ah Kooxaha Mintidiinta ah ee ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya, sida ay Jimcihii xaqiijiiyeen Masuuliyiintu.

Sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga iyo Arrimaha gudaha ee Maamulka Jubbaland, Mintidiintan ayaa lagu dilay hawl-gal ay si wada jir ah Magaalada Jamaame uga bilaabeen Ciidammada Jubbaland iyo Ciidammada sida gaarka u tababbarran ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

“Ciidammadayadu khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayay gaadhsiiyeen Mitidiinta intii uu socday hawl-galku..” ayuu yidhi, Afhayeenku, isagoo intaa ku daray in Ciidammadu burburiyeen fadhiisinta Mitidiintu ku lahaayeen Magaalada Jamaame, halkaasi oo uu Afhayeenku sheegay inay ahayd halka kooxaha Mitidiinta ah ay ka soo maleegi jireen Weerarrada lala beegsado Cuiidammada Dawladda.

Dadka deegaankaa deggan ayaa xaqiijiyey in dagaal ka dhacay Magaalada Jamaame “Ciidammada Dawladda ayaa dagaalka ku bilaabay kooxaha Xag-jirka ah, waxaana jiray Dagaal culus, kooxaha Xagjirka ahina way ka qaxeen Magaalada..” ayuu yidhi, Yaxye Axmed oo deggan Magaalada Jamaame oo khadka Telefoonka ugu warramay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua, taasi oo uu HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka