Xisbiga UCID Oo Muddeeyay Qabashada Shirka Golaha Dhexe

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa 28-ka bisha August ee sannadkan u muddeeyay qabashada Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaasi.

Xisbiga UCID ayaa 28-ka bisha August u muddeeyay qabashada Shirka Golaha dhexe, taariikhdaasi oo ku beegan 18 Guurada ka soo wareegtay Aasaaskii xisbiga UCID.

Sidaa waxa xisbigu sheegay Maanta, ka dib Shir ay ku yeesheen xaruntooda dhexe ee Hargeysa.

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga UCID ayaa noqonaya kii 7-aad ee Xisbigaasi qabsado.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka