Gacan Ka Hadal Qawmiyad Ku Salaysan Oo Ka Socda Hindiya

India (HCTV) – Dalka Hindiya ayaa waxa ku soo badanaya dhacdooyinka Gacan ka hadalka ah ee Qoomiyadaha dalkaa dega ku salaysan.

Ficillada Gacan ka hadalka ah oo aad ugu faafaya ayaa kii u dambeeyay waxa lagula kacay haweenay ka mid ah Booliska Hindiya oo ka soo jeeda Qoomiyadda Telangana, waxaana garaacay Dad badan oo Rag ku jiro.

Haweenaydan Askariyadda ah oo lala dhacay Ulo dhaadheer oo qaarkood cuslaayeen, ayaa Dadka waxyeellada soo gaadhsiiyey ee Usha ku garaacay waxa ka mid ah Koneru Krishna Rao oo walaalo yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Telangana Rashtra Samiti’s (TRS), Sirpur MLA Koneru Konappa.

Madaxda Hindiya ee dhacdadan ka hadashay ayaa sheegay in Askariyadda oo Magaceedu yahay Anita la weerarray markii ay tagtay Tuulada Sarasala oo hoos tagta Sirpur Mandal Axaddii.

Askariyadda ayaa doonaysay inay dhaqaajiso ama bilowdo qorshaha beerista ee Ismaamulka Telangana ku doonayo inuu ku beero dhul Kayd ah oo halkaa ku yaalla, xilli ay wehelinayeen 20 Shaqaale ahi, laakiin Dadka deegaankaasi oo sheegaya Mulkiyadda dhulkaasi ayaa diiday in hawsha la bilaabo.

Dadka halkaa deggan ayaa markay diideen in la beero dhulk ay sheeganayaan, waxay u yeedheen Koneru Krishna Rao oo ku nool meel halkaa ku dhow, markii uu soo gaadhay halkii ay taageerayaashiisu joogeena wuxuu bilaabay weerarka Shaqaalaha Kaynta oo ay Askariyaddu ka mid ahayd.

Rag ku hubaysan Ulo iyo Koneru Krishna Rao ayaa isku xeeray Askariyadda oo dul fuushan Cagaf, waxayna bilaabeen inay garaacaan.

Dhacdooyinka noocan ee ah Masuuliyiinta ama Dadka Rayidka ah La garaacayo ayaa ku soo badanaya Dalka Hindiya.

Sannadkan gudihiisa waxa Warbaahinta Hindiya baahisay Dad Suuqa lagu garaacayo, sida Nin Muslim ah oo dad Lo’da Caabudaa Garaaceen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka