Israel Oo Xidhay Wasiir Falastiini Ah

Qudus, (HCTV) – Israel ayaa xidhay, isla markaana su’aalo ka waydiinaysa Wasiir Falastiini ah arrimo la xidhiidha magaalada Qudus ama Jerusalem, sida ay sheegeen bileyska Israel.

Wasiirka Falastiiniga ah ayaa ah Fadi al-Hadami oo Falastiin u qaabilsan arimaha Qudus, waxaana loo xidhay arimo la xidhiidha Qudus, sida uu sheegay Afhayeen Bileyska u hadlay oo la yidhaa Micky Rosenfeld oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa ku waramay in ciidamada bileyska Israel ay al-Hadami ka soo xidheen gurigiisa oo ku yaala magaalada Qudus saacadihii hore ee maanta, kadib raadin badan oo ay u galeen gurigiisa.

Xadhiga Wasiir Fadi al-Hadami ayaa imanaya kadib markii isaga oo uu la socdo Madaxweynaha dalka Chile Sebastian Pinera uu socdaal ku tagay dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee magaalada barakaysan ee Qudus ku yaala.

Sidoo kale ilo wareedo kale ayaa sheegaya in shan nin oo Falastiiniyiin ah iyagana laga soo xidhay Qudus iyo meelaha ku dhaw-dhaw ee Bethlehem iyo Koonfurta Hebron oo ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Dadka la xidhay ayaa warbaahinta Falastiiniyiintu ay xaqiijiyeen inay ku jiraan Haydar iyo Alaa Dirbas, kuwaas oo laga soo xidhay Cusbitaalka Maqasid Hospital oo ku yaala Bariga Qudusta la haysto iyo Ihab Saeed oo isagana laga soo xidhay deegaan ku dhaw Qudus.

Dawlada Israel ayaan iyadu ilaa hada faahfaahin dheeraad ah ka bixin sababta ragaasi loo soo xidhay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.