Wasiirka Maaliyadda Oo Wakiilada Puntland U Gudbiyay Miisaaniyad Ku Celis Ah

Garoowe, (HCTV) – Wasiirka Maaliyadda Maamul goboleedka Puntland, Xassan Shire Cabdi ayaa maanta Golaha Wakiilada maamul goboleedkaasi u gudbiyay, xisaab-xidhka Miisaaniyada ku celiska ah ee Puntland ee sannadkii 2018.

Xisaab-xidhkan uu wasiirka gudbiyay, ayaa xambaarsan dakhliga iyo kharashaadkii dowladda Puntland ee sannadkii 2018 iyo mashaariicdii uu xilligaasi Puntland ka fuliyay Bankiga Adduunka, waxaana Miisaaniyaddan ka maqan mashaariic kale oo uu ku jiro mashruuca JPLG.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta Miisaaniyadda looga reebay mashaariicdaasi ay tahay, maadaama maamulka dakhliga iyo kharashaadkooda aanay marin khasnadda wasaaradda Maaliyadda, sida uu hadalka u dhigay.

Miisaaniyadda ku celiska ah ee uu soo gudbiyay wasiirka, waxa kale oo muuqda dhinaansho ama is-dhin dakhli oo ballaadhan, taasi oo wasiirku ku macneeyay in dagaalladii kala duwanaa ee ka dhacay deegaanka Tukaraq iyo sidoo kale abaaro baahsan oo Puntland wakhtigaasi ka jiray, ay la wiiqmeen nidaamkii Maaliyadeed ee Puntland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.