Sri Lanka Oo Shaqaalaysiinaysa Laba Nin Oo Dadka Dilka Lagu Xukumo Daldala

Colombo, (HCTV) –  Dalka Sri Lanka ayaa shaqaalaysiinaya laba nin oo fuliya xukunada dilka ah, xili ay dawlada dalkaasi ay diyaarinayso inay afar maxbuus ay dil ku fuliso markii ugu horaysay mudo hada laga joogo 43 sanadood.

Arintan ayaa daba socotay dhawaaq Madaxweynaha dalkaasi uu jeediyey dhawaan, kaas oo tilmaamay in afar maxbuus oo lagu helay dambiyo la xidhiidha daroogada oo lagu xukumay dil lagu filinayo xukunkaasi.

Xukunkan dilka ayaa dalka Sri Lanka laga dabar jaray sanadkii 1976-kii, waxaana taa badalkeeda la adeegsadaa habab kale oo wax loo ciqaabo iyo in xabsiyada lagu hayo dadka dilka lagu xukumo laftigooda.

Ku dhawaad boqol qof ayaa ka soo jawaabay xayaysiin loo sameeyey shaqadaasi  bishii February , waxaana la tilmaamay in qofka buuxinaya shaqadan uu lahaado astaamaha qalbi xoogan.

Waxaana lagu sheegay dalabkan ay Sri Lanka ku shaqaalaysiinayso labadaasi qof inay buuxiyaan shuruudo ah inuu yahay Nin da’duusu u dhaxayso 18-45 oo maskax ahaana miir qaba.

Warbaahin dalkaasi leeyahay oo la yidhaa Daily News ayaa ku warantay in dadka shaqadaasi soo codsaday ay ka mid yihiin laba qof oo Maraykan ah iyo Laba kale oo Haween ah.

Waxaanu sheegay Afhayeen u hadlay xabsigu in labada qof eek u guulaysta la siinayo tababarkii ugu dambeeyey oo mudo laba todobaad ah ay qaadan doonaan tababarkaasi.

Dalka Sri Lanka ayaa, falalka Kufsiga, Dhoofinta iyo Ka Ganacsiga Darooga iyo Dilka waxa lagu ridaa xukun dil ah balse lama fuliyo dilkaasi oo ma dhaco tan iyo 1976-kii.

Hase yeeshee, Madaxweyne Maithripala Sirisena ayaa sheegay in dib loo bilaabay xukunkaasi dilka si hoos loogu dhigo ka ganacsiga daroogada ee dalka Sri Lanka.

Waxaana durtaba soo baxaya cambaarayno xoogan oo ku wajahan go’aankaasi ay ku dhawaaqday dalka Sri Lanka, oo ka imanaya dalalka reer galbeedka gaar ahaana UK, Faransiiska, Norway iyo dalal kale oo Midawga Yurub ah oo iyagu arintaasi ka hadlay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.