Sudan: Dibadbaxayaal Isa-soo Dhoobay Wadooyinka Oo Rasaas Loo Adeegsaday

Khartoum, (HCTV) – Tobanaan kun oo dibadbaxayaal ah ayaa isa-soo dhoobay wadooyinka caasimada Khartoum iyo meelo kale.

Dibadbaxan xoogan ayay ujeedadiisu ay tahay in cadaadis lagu saaro milatariga xukuma dalkaasi inay talada ku wareejiyaan dawladd rayid ah iyo in ay cadaalad helaan dad tiro badan oo dhibane u ah awood u adeegsiga milatariga dalkaasi.

Dibadbaxana la iclaamiyey ee “millions march”, ayaa noqonaya kii ugu dadka badnaa tan iyo intii 3-dii June lagu laayey dibadbaxa dad tiradoodu ka badan tahay 100 qof xili ay rasaas u adeegsadeen ciidamada milatarigu dibadbaxayaal ku sugnaa meel dibada ka ah xarunta milatariga ee magaalada Khartoum.

Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa wakhti xaadirkan sheegaya in Milatariga iyo Bileyska rabshadaha ka hortagaa ay u adeegsanayaan dibadbaxayaasha sunta ilmada ka keenta dadka, waxaana la sheegaya in meelaha qaar laga maqlayo rasaas loo adeegsanayo dadka dibadbaxaya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.