Qarax Xoogle Oo Ruxay Caasimada Afghanistan

Kabul, (HCTV) – Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay qarax xoogle oo ka dhacay caasimada dalka Afghanistan ee Kabul, halka ay ku dhaawacmeen dad tiradoodu ka badan tahay 68 qof, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Arimaha Gudaha dalkaasi.

Qaraxan ayaa dhacay saacadihii hore ee dadku ay u jarmaadayeen shaqada, waxaanu ka dhacay wado ay dad badan buuxeen.

Maxamed Karim, oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada bileyska dalkaasi ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaadhi walxaha qaraxa laga soo buuxiyey oo la soo dhigay banaanka dhismaha Wasaarada gaashaandhiga.

Qaraxa ka dib rag dablay ah ayaa galay dhismaha qaybteeda Injineerinka iyo Farsamada, sida ay sheegeen saraakisha amaanku.

“Rag dablay ah ayaa galay dhismaha waxaanay rasaas isweydaarsadeen ciidamada Afghanistan qaraxa xoogale ka dib,” sidaasi waxa yidhi Afhayeenka Wasiirka arimaha gudaha Nasrat Rahimi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.