Warbaahinta Carabta Qoraya Erayo Cadho Leh Oo Sheekha Xukuma Dubai Uu U Diray Xaaskiisa Baxsatay

Dubai, (HCTV) – Sheekha xukuma Dubai ee Sheekh Maxamed bin Rashid al-Maktoum ayaa erayo cadho leh oo adadag u mariyey Instagram-ka xaaskiisa Boqorad Haya oo u baxsatay dhinaca dalka Jarmalka iyada iyo caruurteedu, sida ay ku waramayaan warbaahinta carabtu.

Shekeh Maxamed bin Rashiid ayaa tan iyo intii ay xaaskiisu ka baxsatay waxa soo baxayey warar farabadan oo kutiri ku teen ah oo sheegaya in ay ka baxsatay tacadi iyo dhibaato uu ku hayey odaygeedu, waxaanu fariimo cambaarayn ah uu u mariyey dhinaca Instagram-ka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen “Khaladaadka qaar ayaa khiyaamo ah” iyo “Waxaad u dhaqantay si hiyaamo leh”. “Qof xoog kuu aaminay ayaad khiyaantay, “ Boos kuma lihid agtayda, u tag kuwa ku yeeshay” iyo Qoraale kale oo farabadan.

Waxaana boqortooyadu ay sii wadaa eedo ay u jeedinayaan Haweenaydaasi inay beenalay tahay.

https://www.alaraby.co.uk/english/news/2019/6/29/dubai-ruler-slams-runaway-wife-in-furious-instagram-poem

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.