Taxes: 10 Qof oo Ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed

Taxes (HCTV) – Inta la ogyahay 10 Qof ayaa ku dhintay Diyaarad yar oo ku dhacday duleedka Magaalada Dallas ee Gobolka Taxes, Isniinta Maanta.

Diyaaradda oo ahayd nooca yaryar ee labada Mishiin leh ayaa guud ahaan 10-kii qof ee la socday ay dhinteen.

“Waaxda Hubinta Caafimaadka ee Dallas waxay xaqiijisay inay geeriyoodeen 10-ka Qof, jirina Cid ka bedbaaday..” ayay tidhi Haweenay Afhayeen ahi u sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP

Diyaaradda yar ayaa ka timid Magaalada Addison oo Dallas hoos tagta, waxayna ku socota St Petersburg oo Florida ah, waxayna sidday 2 Shaqaale ah iyo 8 Qof oo la socday oo Rakaab ahaa, sida uu sheegay Bruce Landsberg oo ah ku-xigeenka Guddiga Qaran ee bedbaadada Socdaalka ee (NTSB).

illaa hadda lama shaacinin Dhalashada 10-ka Qof ee Shilka Diyaaradeed ku Geeriyooday, lamana sheegin Sababta Shilka sababtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka