Ilmo Laba Jir Ah Oo Ay Cuneen Yaxaasyo

Cambodia (HCTV) – Gabadh yar oo da’deedu ka weynayd laba Sano jir ayaa waxa cunay Yaxaasyo, ka dib markii iyadoo lunsan ay ugu tagtay meel iyagu ku gaar ahaayeen, dalka Cambodia.

Rom Roath Neary ayaa Geeriyootay, iyadoo mastaafo ahaan ka durugsan waalidkeed, yaxaasyada dilay ama cunay ayaa ku sugnaa beerta yaxaasyada ee Qoyskeeda oo ku taalla deegaanka Siem Reap.

Markii ay Geeriyootay ka dib, ayaa Aabbaheed u soo booday (gudaha halka Yaxaasyadu joogeen), isagoo naftiisa halis u geliyey wixii ka hadhay (Jidhka) Gabadhiisa, kaasi oo kula dagaalamay, laakiin wuxuu awooday oo keliya inuu ka qaato Madaxeedii.

Sarkaal Boolis ah oo Magaciisu yahay lieutenant Och Sophen ayaa sheegay in Gabadha yar ee Yaxaasyadu cuneen luntay, maaddaama oo hooyadeed mashquul ku ahayd inay umusho ilmo kale.

Ka hor Masiibadan, Rom Aabbaheed oo Guriga ku laabtay ayaa ogaaday in Gabadhiisu luntay, waxaanu bilaabay inuu soo raadiyo, llaa uu la kulmay xaqiiqadan Qaracanka ah.

“Wuxuu xaqiiqsaday in Gabadhiisu ku dhacday Xayndaabka Yaxaasyada, Yaxaasyaduna dileen, iyagoo ka tagay oo keliya Madaxeeda ama dhakadeedii..”

Warkan waxa baahiyey oo Telefiishanka HCTV uu ka soo xigtay Dailymail.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka