Talyaaniga: Kabtanka Markabkii U Gurmaday Muhaajiriinta Oo Maxkamad La Hor Keenay

Agrigento, (HCTV) – Kabtanka markabkii dalka Jarmalka ee u gurmaday muhaajiriinta ayaa Isniintii maanta la horkeenay Maxkamada dalka Talyaaniga, waxaanu kiiskaasi uu xiisado cusub ka dhex abuuray Rome iyo Berlin.

Gabadha Kabtanka ka ahayd markabka Sea-Watch 3 oo magaceeda la yidhaa Carola Rackete ayaa la soo xidhay kadib markii ay u joogsan wayday doon nooca dheeraysa ah oo ay bileyska Talyaanigu wateen, xili ay doonaysay inay gasho dekeda Lampedusa iyadoo sida 40 tahriibayaal ah oo ay ka soo samatabixisay badda Mediterranean-ka.

Markabka ay waday ayay dawlada Talyaanigu u diiday inuu dakadeeda soo galo, waxaana si khasab ah markabka Sea-Watch oo ay eryanayaan bileysku uu soo galay dalka Talyaaniga laba todobaad ka hor.

Haweenaydan Naakhuudaha ka ah markabka Sea-Watch 3 ayay ciidamo tiro badan oo bileys ahi ay horkeeneen maxkamada Sicilian ee Agrigento, waxaana lagu soo eedeeyey inay khatar galisay nolosha askartii doontaasi saarnaa, waxa la rumaysan yahay in Rackete ay wajihi doonto 10 sano oo xabsi ah hadii kiiskaasi lagu helo, balse waxa la filayaa in damaanad ay dibada ku sii joogto ilaa inta kiiskeeda la soo afjarayo oo xukun dhacayo.

Dhinaca kale Raysal Wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa u sheegay Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel in kiiskani uu xadgudub ku yahay madaxbanaanida dalkiisa, waxaanu ku yidhi in aanu faragalin doonin sida xaakinadu ay u dhaqmaan ee ay kiiskan u maareeyaan.