Masar: Musharax La Tartamay Mursi Oo Xabsiga Wadna Xanuun Ugu Biiray

Qaahira, (HCTV) – Cabdul Monem Aboul Fotouh, oo da’diisu ay tahay 68 jir horena u ahaa musharax madaxweyne oo doorashadii 2012-kii isku soo taagay ayaa xabsi ku yaala dalka Masar ku jira tan iyo 2018-kii.

Wiilkiisa oo la yidhaa Axmed ayaa baraha bulshada gaar ahaana Facebook-ga iyo Twitter-ka, ku yidhi “Aabahay wuxuu khatar ugu jiraa inuu naftiisa waayo mar kasta,” isagoo intaasi ku daray in aabihii uu la ildaran yahay wadna xanuun.

Caboul Fotouh ayaa hogaaminayey xubno ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin ilaa 2011-kii, markaas oo uu ka gaabsaday kooxda isagoo ahaa musharax madaxbanaan oo isku soo taagay doorashadii Madaxtooyada dalka Masar, waxaanu soo galay kaalinta Afraad isagoo helay 17 boqolkiiba codadkii laga dhiibtay wareegii u horeeyey ee doorashada.

Waxaanu u muuqday mid ka maskax furfurnaa Musharaxiintii kale ee Ikhwaanul Muslimiin, Maxamed Morsi oo dhawaan maxkamad ku dhex dhintay ayaa ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee xiligaasi.

Guuldaradii ka soo gaadhay doorashada ayaa keentay in Cabdul Fotouh uu Masar ka aasaaso xisbi adag. Balse waxa la xidhay 2018-kii kadib markii waraysi uu siiyey telefishanka Al-jazeera, kaas oo lagu eedeeyey inuu faafiyey warar been ah iyo inuu qayb ka yahay urur la mamnuucay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.