Ugaas Cusub Oo Lagu Caleemo-saaray Degmada Xarshin Ee DDSI

Xarshin (HCTV) – Ugaas Maxamed Cumar Cabdi oo ah Madax-dhaqameed cusub oo ku soo kordhay Isimada Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa lagu caleemo saaray Deegaanka Calaydh oo ka tirsan Degmada Xarshin ee Gobolka Faafan.

Ugaaskan oo ay dooratay  Beesha Yaasuf Isaaq (Sacad Muuse) ayaa munaasibada lagu caleemo-saaray, waxa ka qaybgalay marti-sharaf isugu jirta Madaxdhaqameedyo ka kala yimi Deegaamada Soomaalidu degto, siyaasiyiin, waxgarad, aqoonyahan iyo Dadweynaha Ardaaga uu ka soo jeedo Ugaasku.

Guddoomiyaha Degmada Xarshin, Xubno ka mida cuqaasha iyo Odayaasha Deegaanka uu ka soo jeedo Ugaaska cusub oo ugu horayn Xafladaasi hadallo ka jeediyey ayaa madasha caleemo-saarka ku soo dhaweeyey marti-sharafta ka soo qaybgashay, waxaanay alle uga baryeen Ugaas in uu ku asturo mansabka dhaqan ee lagu caano-shubay.

Madax-dhaqameedyada ka qaybgalay munaasibadda oo uu kamid yahay Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal, ayaa khudbado ay halkaasi ka jeediyeen waxay dhamaantood ugu duceeyeen in uu alle xilka u fududdeeyo Isinka la caleemo saaray, iyaguna ay la shaqayn doonaan, waxaanay u soo jeediyeen in uu ku shaqeeyo Cadaalad iyo hufnaan dhaqan.

Isimada ayaa sidoo kale ka warramay kaalinta uu hoggaanka dhaqanku ku leeyahay nabad-gelyada, midnimada iyo horumarinta bulshada iyo doorka uu Soomaalida u leeyahay, waxaanay Ugaaska cusub kula taliyeen in uu raaco toobiyaha soo jireenka ah ee uu dhaqanku leeyahay, iyagoo geesta kalena Beeshiisa ku adkeeyey inay la shaqeeyaan, isla-markaana u dhamaystiraan waxyaabaha uu uga baahan yahay si uu shaqadiisa u guto.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi, Ugaas Naasir Ugaas Maxamed Xasan Qaalib, Suldaan Naasir Suldaan Cabdiraxmaan Ismaaciil, Suldaan Maxamed Aw Cali Jaban iyo Hogaamiye-dhaqameedyo kale oo tiro badan oo ka kala yimi Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida, kuwaasi oo  halkaasi ka hadlay, ayaa si mug leh u soo dhaweeyey Ugaaska cusub, una jeediyey tallooyin la xidhiidha masuuliyada dhaqan ee uu qabtay, iyagoo ku adkeeyey in uu yeesho gacan furan, guddoon adag iyo Garsoor Caddaalad ah.

Ugaaska guud ee Beelaha Absame iyo Madaxdhaqameedyo kale oo kamida Isimada Beelaha Dega Gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa xafladdaasi iyaguna ku soo dhaweeyey Ugaaska cusub, waxaanay dhankooda sheegeen inay si niyad samiya oo waafaqsan hannaanka Dhaqanka ula shaqeyn doonaan Ugaaska.

Guud ahaanba madaxdhaqameedyada ayaa kula dardaarmay Beesha Ugaaska dooratay inay adeecaan, howshana ku garab joogaan oo aanay ka hagran xoog iyo xoollo wixii uga baahdo.

Ugaas Maxamed Cumar Cabdi oo markii lagu caano-shubay kaddib, gabagabadii Xafladda hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad-naqay marti-sharafta ka soo qaybgashay munaasibadda, waxaanu balanqaaday in uu masuuliyada dusha loo saaray uga soo bixi doono sida loogu dhiibay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka