TRUMP: “Iran Waxay Ku Ciyaaraysaa Dab”

Tehran (HCTV) – Hay’adda IAEA oo Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka Hubka Halista, sida Nukliyeerka ayaa sheegtay inay Dawladda Islaamiga ah ee IRAN ka gudubtay Qiyaas loogu xadidday in aanay dhaafin Kobcinta Macdanta yuuraaniyamta ee laga sameeyo Hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

Hay’adda Caalamiga ah ee la socodka Hubka wax gumaada ee Magaceeda loo soo gaabiyo (IAEA) ayaa sheegtay in IRAN intii loogu talo-galay Kobcinta Yuuraaniyamteeda ay dhaafisay ama ka badisay 300KG, laakiin IRAN ayaa hore u sheegtay inay arrintan kaga jawaabayso cunaqabataymaha cusub ee Maraykanku ku soo rogay dhawaan iyo hirgelid la’aantii heshiiskii ay sannadkii 2015-kii la gashay Quwadaha Adduunka oo Maraykanku ka mid yahay.

“Waanu xaqiijin karnaa in Agaasimaha Hay’adda IAEA, Yukiya Amano uu ku war-geliyey Guddiga Guddoomiyeyaasha in Hay’addu hubisay 1-da bisha July in Iran ka gudubtay Xadiddadii lagu sameeyay kobcinta uranium-teeda..” Ayuu qoraal uu soo saaray ku sheegay Afhayeen u hadlay IAEA

Warka Hay’adda la socodka Hubka Atomikada ah ayaa soo baxay, ka dib markii Wasiirka Arrimaha dibedda ee Iran Mohammad Javad Zarif uu Wakaaladda Wararka ee ISNA u sheegay in intii loo xadiday ay ka gudbeen 300kg .

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi  “Iran  waxay ku ciyaaraysaa dab”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka