Xuutiyiinta Oo Mar Kale Weerarray Madaar Ku Yaalla Sucuudiga

Saudi (HCTV) – Inta la xaqiijiyey 9 Qof ayaa ku dhaawacmay Garoonka diyaaradaha ee Abha ee Dalka Sucuudiga Isniintii, ka dib weerar ay ku qaadeen Jabhadda Xuutiyiintu, sida ay xaqiijiyey Isbahaysiga Carabtu.

“Xulafada Sucuudigu hoggaamiyaa waxay u dagaalamayaan inay taageeraan Dawladda Yemen..” ayaa lagu yidhi, War-saxaafadeed Xulafadu soo saareen, ka dib markii 9 Qof ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday Diyaarad yar oo Drone ah, kaasi oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha Abha.

9-ka Qof ee dhaawacmay 8 baa u dhashay Sucuudiga, halka Qofka Sagaalaadna yahay Hindi, Dadka dhaawacmay dhammaantood Xaaladdoodu ma xuma.

Jabhadda Xuutiyiinta ee IRAN taageerto ee dagaallada ka wada Dalka ay Sucuudiga jaarka yihiin ee Yemen, ayaa intii dambay kor u qaadday Weerarradooda ay ku ekaynayaan Sucuudi Carabiya.

Afhayeen u hadlay Jabhadda Xuutiyiinta ayaa sheegay kooxdu go’aamiyeen inay hawl-gal ballaadhan ku beegsadaan Madaarka Abha, sida uu baahiyey Al Masirah TV oo afka kooxdaasi ku hadla.

Telefiishanka Sucudiga laga leeyahay Al Arabiya TV ayaa isaguna soo weriyey in Garoonka Abha uu dib u bilaabay duulimaadyada oo hore looga joojiyey.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka