Isreal Oo Meel Ku Dhow Caasimadda Suuriya Ku Dishay 15 Qof (Akhri)

Syria (HCTV) – Dawladda Suuriya ayaa Isreal ku tilmaamay Argagixisada Gobolka, ka dib markii sida la weriyey Diyaaradaha Isreal ay duqayn ku dileen 15 Qof oo qaarkood rayid ahaayeen.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Suuriya ayaa qoraal ay baahisay Wakaaladda Wararka SANA news agency ku sheegay in Maamulka Isreal uu sii kordhinayo Ficilladiisa Argagixisanimo.

Laakiin, Warbaahinta Imaaraadka Carabta oo HCTV soo xigtay ayaa sheegay in Diyaaradaha wax duqeeya ee Isreal ay Isniintii meel ku dhow Caasimadda Suuriya ee Dimishiq iyo Gobolka Homs ay ku dileen 9 Qof oo Ajaanib ah oo ka mid ah Dagaalyahannada taageera Dawladda Suuriya iyo 6 Qof oo Rayid ah.

Dadka rayidka ah ee duqayntaa ku dhintay waxa ku jiray 3 Carruur ah, sida laga soo xigtay Hay’ad Fadhigeedu yahay Ingiriiska oo la socota Xaaladaha Xuquuqda Aadamaha ee Suuriya, waxayna Hay’addu sheegtay in Natiijada Duqaymaha ay diyaaraduhu sameeyaan ay dhibaatadaa tahay.

Afhayeen u hadlay Millateriga Isreal wuxuu beeniyey jiritaanka Warkaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka