AKHRI: Guddoomiyihii Baarlamaanka Algeria Oo Maray Dariiqii Butafliqa

Algeria (HCTV) – Guddoomiyihii Baarlamaanka Dalka Algeria, Mouad Bouchareb ayaa Xilka iska Casilay Maanta, sida uu ku warramay Telefiishanka Ennahar TV.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria ayaa iscasilay, ka dib Dibed-baxo ay dhigeen Shacabka Algeria oo dalbaday inuu iscasilo, maaddaama oo ay u arkaan inuu ka mid ahaa Tiirarkii Xukuumaddii hore Abdelaziz Bouteflika.

Bouchareb ayaa xilka banneeyay Saddex Bilood ka dib, Iscasilaaddii Madaxweynihii Muddada dheer xukumayey Algeria ee Abdelaziz Bouteflika, kaasi oo isaga Laftiisu isku casilay Culays kaga imanayey Dibed-baxayaal doonayey inuu Dalka Isbeddel ka dhaco, lana tirtiro Musuqmaasuqa.

Maalmihii u dambeeyay, waxa isa soo tarayey Siyaasiyiin doonayey inuu iscasilo Guddoomiye Bouchareb, maaddaama oo Dibed-baxayaashu Sharci-darro ku tilmaameen  Guddoomiye-nimadiisa Baarlamaanka Algeria.

Aqlabiyadda Siyaasiyiinta Algeria oo War Qoraal ah soo saaray Isniinta Shalay ayaa Mr Bouchareb ugu baaqay inuu iscasilo, baaqaasi oo uu kaga jawaabay Iscasilaaddiisa Salaasada Maanta.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Algeria Abdul Razzak Tarbash ayaa sii haynaya Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, inta Guddoomiye cusub lagu soo dooranayo muddo 15 Maalmood ah.

Bouchareb ayaa xubin ka ahaa Xisbiga Hoggaamiya Algeria ee National Liberation Front, kaasi oo uu hoggaamiyo Abdelaziz Bouteflika.

Abdelaziz Bouteflika ayaa Xilka ka degay bishii April ee sannadkan, ka dib Toddobaadyo ay Dalka oo dhan ka socdeen dibed-baxyo lagaga dalbanayey inuu iscasilo iyo weliba culays kaga imanayey Millateri awood badan.

Bouteflika ayaa Dalka Algeria Madaxweyne ka soo ahaa muddo 20 Sanadood ah.

Bilihii dambe oo dhan waxa Algeria ka sii socday Dibed-baxyo lagu dalbanayo in la suuliyo nidaamkii siyaasadeed ee Bouteflika ka tagay iyo Ciddii la soo shaqaysay oo uu ku jiro Madaxweynaha sida ku meel-gaadhka ah hadda xilka u haya, Abdelkader Bensalah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka