WADDANI Oo Tanaasul La’aan Ku Eedeeyay Madaxweyne Biixi

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa ka warramay kulan uu ku sheegay mid lagu hongoobay oo Saddexda Xisbi la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi, kulankaasi oo la doonayey in xal lagaga gaadho muranka ka taagan Tirada laga dhigayo Xubnaha Guddiga doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo WADDANI doonayo in laga dhigo 9 xubnood, halka Madaxweynaha iyo Xisbigiisa KULMIYE doonayaan inay 7 ahaadaan.

Guddoomiye Jirde oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Saddexda Xisbi 64 jeer ayay Arrimahan ka kulmeen wayna isla meel dhigi kari waayeen. Habeenkaa Madaxweynuhu wuxuu noo yeedhay isagoo Madaxweynihii Qaranka ah, muu ahayn Guddoomiyihii Xisbiga (KULMIYE), Madaxweynuhu wuxuu ummadda u ballan-qaaday inuu Shirkaa ka soo bixi doono wax lagu farxi doono, markaa Annagu waxaanu is lahayn Madaxweynihii Qaranka ayaad u tagteen oo go’aan ayuu sidaa, laakiin Hungo ayaanu kala kulanay markii aanu Sabtidii isku nimid, waxaanu yidhi waxaan isugu kiin yeedhay inaad halkii ka sii amba-qaaddaan (Wada-hadallada), 64 jeer baanu kulanay meelna waanu isla dhigi kari waynay Madaxweyne (ayaanu ku nidhi) ee Maanta adigaa Madaxweynihii Qaranka ah Saddexdayada Xisbina Adiga ayaanu kuu marti nahay ee Adigu arrintaa dhinac u dhaqaaji, Madaxweynaha kamaanu filayn in lagu hongoobo, illayn Annaga oo keliya namuu mashaqiin ee Ummadda oo dhan ayuu maqashiiyey ee uu yidhi War lagu farxo ayaan soo wadaa.”

Xildhibaan Jirde oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Faysal wuxuu Madaxweynaha ku yidhi ‘Tani ha noqoto tallaabadii ugu horraysay ee Wanaagsan ee Xukuumaddu qaaddo ee samee Tanaasul, laakiin wuxuu yidhi ‘Anigu halkaas ayaan taaganahay meel aan uga noqonayaana ma jirto, waana in 7-daa (Xubnood) la Magacaabo, labada kalena marka Baarlamaanka dambe la doorto (ha la Magacaabo), laakiin dooddaa wax uu ku difaacay (ma jirto)..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka