Ruushka: 14 Badd-Maax Oo Ku Dhintay Markab Gujis Ah

Ruushka: 14 Badd-Maax Oo Ku Dhintay Markab Gujis Ah

Dibadbax Lagu Dalbanayo In Talisku Talada Ka Tago Oo Ka Socda Lebanon
Wasiirka Ciyaaaraha Galmudug ayaa Shaaciyay Ciyaartoyda u matalaya Ciyaaraha Maamul Goboleedyada
Hindiya: 20 Arday Oo Isdilay Kadib Natiijada Imtixaanka
SOLJA Oo Ka Hadashay Xukun Caddaalad-darro Ah Oo Maxkamadda Maroodi-jeex Ku Ridday Tifaftiraha HCTV
Deg-deg: Xildhibaannada Wakiillada & Guurtida Oo La Isugu Yeedhay

Moscow, (HCTV) – Afar iyo toban Badd-maax oo saarnaa markab milatari oo ah nooca gujiska loo yaqaano ee biyaha hoostooda mara ayaa ku dhintay markii ay ku neefqabatoobeen dab ka kacay markabkaasi.

Markabkan Gujiska ah ayaa gunta hoose ee badda ka waday cilmibaadhis biyaha dalka Ruushka, waxaanu sababay dabkaasi in ay dhintaan 14-ka badd-maax ,sida uu sheegay Wasiirka difaacada ee dalka Ruushka oo u waramay wakaalada wararka ee dalkaasi.

Waxaanu tilmaamay in durtaba ay bilaabeen baadhitaano ku saabsan sababtii dhalisay dabkaasi, “Dabku waxa uu bilaabmay xili ay cilmibaadhis ay ka samaynayeen badda hoosteeda” ayuu yidhi Wasiirka difaaca ee dalka Ruushka, Mr Sergei Shoigu.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: